Wasiirka arrimaha dibada DFS Cabdisalaam Cumar Hadliye oo sheegay in shir-weynaha madaxda IGAD uu beri oo Talaado ah Muqdisho ka furmi doono

hadliye
Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in shir-weynaha madaxda urur goboleedka IGAD uu beri oo Talaado ah ka furmi doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Shirka IGAD beri ayuu ka dhacayaa Muqdisho sida la qorsheeyay,” sidaa ayuu u sheegay saxaafada Hadliye.

Dhanka kale, amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka waa-weyn xiranyihiin muddo shan beri ah. Waxaana la dhigay wadooyinka waa-weyn ciidamo badan oo aad u hubaysan, kuwaasoo xiray ganacsiga kuyaala wadooyinkaas.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in ay fursad weyn u yahay Soomaaliya in ay martigeliso shir sidaan oo kale ah sababtoo ah dalka ma martigelin shir caalami ah oo heerkaas gaar-siisan tan iyo sanadkii 1974, wakhtigaas oo Muqdisho ay martigelisay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Urur goboleedka IGAD ayaa ka kooban Soomaaliya, Kenya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Uganda, Eriteeriya iyo Jabuuti.

 

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*