Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in 54 maleeshiyo Al-Shabaab ah ay isa soo dhiibeen tan iyo 14-kii Oktoobar

Sawirka: Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Konton iyo afar maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay tan iyo qaraxii Muqdisho ee bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay wasiir dowladda katirsan.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in 54 maleeshiyo Al-Shabaab ah ay dowladda isku soo dhiibeen. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay xarumo lagu dhaqanceliyo dagaalyahanada isa soo dhiiba, xarumahaas oo laga sameeyay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Beledweyne.

Qaraxii Muqdisho ka dhacay 14-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 500 qof, waxaana uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*