Wasiirka Amniga Puntland oo tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, sheegayna in wax doorasho ah oo Somaliland leedahay aysan ka dhici doonin halkaas

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa oo maanta oo Axad ah tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Badhan-(Puntland Mirror) Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa oo maanta oo Axad ah tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in wax doorasho ah oo Somaliland leedahay aysan ka dhici dooni halkaas.

“Meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo og, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga, sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhiga ahayd ee ay lahaayeen.”  Ayuu yiri Wasiirka Amniga,

“Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa.”  Ayuu ku sii daray wasiirku.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in faragalinta iyo xadgudubka maamulka Somaaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysa ay tahay oo kaliya in la jaahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

“Dowladda Puntland cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaamnimo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubtaa waajibkeedu waa gooni.”

Ugu dambayn Wasiirka ayaa u jeediyay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, amnigooda iyo sharaftooda, isla mar’ahaantaana ay ka hortagaan faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*