Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in xilka laga qaadi doono taliyaasha kantaroolada uu ka gudbay gaari qarax siday oo la qabtay

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xisri Cali Qarjab ayaa sheegay in xilka laga qaadi doono taliyaasha kantaroolada uu soo maray gaari qarax siday oo lagu qabtay kantaroolka Boosaaso.

Wareysi ay la yeelatay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir Qarjab ayaa sheegay in kantarooladii uu maray gaariga qaraxa siday taliyaashooda xilka laga xayuubin doono.

“Kantaroolada uu baabuurkaas soo maray oo wax lagaga qaban waayay cid kasta oo horey u joogtay tallaabo cad ayaa laga qaadayaa, mana dhacayso kantarool qarax lala dhaafay intii dadkii horey u joogay ay iska sii joogaan,” ayuu yiri Cabdi Xirsi.

“Taliyaasha ciidamada iyo taliyaasha qaybaha waxaan hadeerba ku wargelinayaa cid kasta oo kantarool qaraxaas soo maray joogtay waa in xilka laga qaado.” Ayuu ku daray wasiirka amnigu.

Shalay oo Arbaco ah ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ee kantaroolka magaalo xeebeedka Boosaaso ay qabteen gaari xamuul ah oo siday khudaar kasoo lagu soo dhex qarshay walxaha qarxa, labo nin oo gaariga la socday ayaa ciidamadu gacanta ku dhigeen.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*