Wasiirka amniga Puntland oo Boosaaso ku noqday kadib daaweyn caafimaad oo uu dibada kusoo qaatay

Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib hal bil oo uu daaweyn caafimaad u joogay dalka Jabuuti.

Wasiir Qarjab ayaa dib ugu noqday xarunta ganacsiga Puntland, Boosaaso, maanta oo Sabti ah kadib markuu daaweyn caafimaad kusoo dhamaystay magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Jabuuti.

Wasiirka oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso wuxuu sheegay in caafimaadkiisa uu aad u wanaagsanyahay uuna ku noqon doono dhawaan shaqo maal-meedkiisa.

5-tii bisha May, wasiirka amniga ayaa ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay ilaalada saraakiisha ciidamada booliska oo ka dhacday magaalada Boosaaso.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*