Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali oo la kulmay saraakiisha amaanka gobolka Bari

Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga dowlada Puntland Cabd Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta oo Isniin ah kulan kula yeeshay maagalada Boosaaso saraakiisha amaanka ee gobolka Bari.

Wasiir Qarjab oo saxaafada kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in shirka uu ku saabsanaa dardargalinta amaanka guud iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta.

“Shirka waxaa looga hadlayay amaanka waxaana kasoo qaybgalay guddiga nabadgalyada gobolka Bari iyo saraakiisha kala gedisan ee gobolka Bari, waxyaabaha amniga lagu dardargalinayo ayaa looga hadlayay, waxaa la isku afgartay dardargalinta amniga guud in laga shaqeeyo bisha Ramadaan ee barakaysan oo umada cibaadaysanayso amnigoodana la sugo, sharwadaayasha bisha Ramaadan oo ah bil cibaado umada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed dhiigeeda caadaysatayna la isaga ilaalin lahaa,” ayuu yiri wasiir Qarjab.

Wasiirka ayaa ugu dambayn tacsi u diray guddoomiyihii haweenka gobolka Mudug, Dhudi Yuusuf Aadan oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiir Qarjab ayaa dadka shacabka ah ka codsaday in ay ka qayb qaataan sugida amaanka ciddii ay arkaan in ay howlo amni daro wadaana ay ogeysiiyaan laamaha amaanka.

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*