Wasiirada Puntland oo ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2020 oo lagu qiyaasay $346 milyan

Golaha wasiirada Puntland oo gacantaag u sameynaya ansixinta miisaaniyada 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiirada Puntland ayaa fiidnimadii Isniinta ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2020.

Miisaaniyada 2020 ayaa lagu qiyaasay $346 milyan, taasoo saddex jibaar ka badan tii 2019 oo ahayd $72 milyan.

Miisaaniyada ayaa inteeda badan ku biixi doonta ammaanka iyo arrimaha bulshada sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasaaradda Maaliyada ayaa bayaan ay mareegteeda ku daabacday ku sheegtay in dakhliga la filayo in gudaha uu ka soo xaroodo iyo caawimaad dhaqaale oo dibada lagu saleeyay miisaaniyadan, taasoo keentay in ay kor u kacdo odorosku.

Golaha baarlamaanka ayaa ka doodi doona miisaaniyada dhawaan si ay u meelmariyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*