Wasiir katirsan Puntland oo beeniyay in Imaaraatka Carabta ay joojiyeen taageeradii ciidamada PMPF

Ciidanka PMPF oo tababar ku jira. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Isutaga Imaaraatka Carabta ayaan joojin taageeradii ay siin jireen ciidamada Puntland ee PMPF, sida uu sheegay wasiir.

Wasiir katirsan Puntland, oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in warka sheegaya in Imaaraatka ay joojiyeen taageerada PMPF ay tahay been.

Masuulka ayaa intaas ku daray in Puntland ay si dhaqso ah u jawaabi doonto.

Sabtidii, qaar katirsan tababarayaal Imaaraat Carabta katirsan ayaa dib ugu noqday dalkooda, inkastoo warbaahinta maxaliga ah ay ku warantay in tababarayaashu ay ka baxeen Puntland kadib amar ka yimid Dubai.

Imaaraatka Carabta ayaa bilaabay taageerada ciidamada PMPF sanadkii 2011 xilligii maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa kamid ah kuwa ugu tababarka fiican Puntland. Waxay kaalin muhiim ah ka qaateen howlgalada ka dhanka ah burcadbadeeda, haddana waxay la dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab ee buuraha Galgala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*