Wasiir dowlihii hore arrimaha deegaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu aasay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qaybgalay salaada janaasada ee wasiir dowlihii hore arrimaha deegaanka.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiir dowlihii hore ee arrimaha deegaanka Soomaaliya, Burci Maxamed Xamsa kaasoo lagu dilay weerar ay al-Shabab ku qaaday Sabtidii lasoo dhaafay huteel kuyaala Muqdisho ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Xamsa ayaa kamid ahaa ilaa iyo 17 qof kuwaasoo lagu dilay 25-kii Juun huteel Naasahablood ee magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Munaasabada salaada janaasada ayaa waxaa kasoo qaybgalay saraakiil dowlada ah oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo qoyskii wasiir dowlihii hore.

Burci Maxamed Xamsa ayaa sidoo kale kamid ahaa golaha baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu noqonayaa xildhibaankii lix iyo tobnaad oo lagu dilo Muqdisho afartii sanno ee u dambaysay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*