Wasiir dowlihii cadaalada, diinta iyo awqaafta Puntland oo iscasilay

Xabiib Saalax. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiir dowlihii cadaalada, diinta iyo awqaafta iyo dastuurka Puntland, Xabiib Saalax ayaa iscasilay maanta oo Arbaco ah.

Saalax ayaa qoraal uu soo dhiggay boggiista Twitter-ka ku sheegay in uu go’aan ku gaaray in uu xilkaas iska casilo kadib markii uu si taxadar leh uga fakaray, balse ma uusan sheegin sababta dhabta ah.

Waxa uu soo noqday wasiirka cadaalada, diinta iyo awqaafta ee maamulkii madaxweyne Cabdiweli.

Bishii Febaraayo, waxaa loo magacaabay wasiirka madaxtooyada, balse madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horaantii bishaan u badalay wasiir dowlaha cadaalada, diinta iyo awqaafta iyo dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*