Wasiir dowlihii arrimaha deegaanka oo kamid ah kuwa ku geeriyooday weerarkii huteel Naasahablood

Wasiir dowlaha geeriyooday, Burci Maxamed Xamsa.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiir dowlihii dowlada federaalka Soomaaliya ee arrimaha deegaanka ayaa kamid ah ugu yaraan 17 qof kuwaasoo galabnimadii Sabtida ku geeriyooday gudaha huteel Naasahablood ee Muqdisho.

Wakaalada wararka Soomaaliya Sonna ayaa ku warantay in wasiir dowlaha uu joogay huteelka markii uu weerarka dhacay.

Waxaa la dhihi jiray wasiir dowlaha dhintay, Burci Maxamed Xamsa isagoo sidoo kale ahaa xildhibaan dowlada federaalka katirsan.

Kooxda ku xiran ururka al-Qaacida ee al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*