Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo xirtay todobo iskuul oo kuyaala degmada Buurtinle oo buuxin waayay shuruudaha tayada waxbarashada

iskuulo
Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo xirtay todobo iskuul oo kuyaala degmada Buurtinle oo buuxin waayay shuruudaha tayada waxbarashada. [Sawirka: Wasaaradda waxbrashada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa joojisay todobo iskuul oo kuyaala degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Bayaanka wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in todobo iskuul albaabada loo xiray kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa tayada waxbarashada goobahaas oo kala ah:

  1. Horyaal
  2. Al-Faatix
  3. Salaama
  4. Nasrudiin
  5. Badrudiin
  6. Horseed
  7. Hormuud 

Sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda sababaha lagu xiray iskuuladaas ayaa waxay yihiin:

  • Iskuullo fara badan oo aan si qorsheysneyn loo furo iyada oo aan laga fakirin tayadooda.
  • Macallimiinta deegaanka oo aan lagu dhiirigelin in ay hantaan mas’uuliyadda waxbarashada dalka.
  • Goobaha waxbarashada qaarkood oo la furo iyada oo aan mararka qaarkood laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
  • Iyadoo ay dhacdo in ardayda qaarkood la bootiyo ama la dedejiyo waxbarashadooda si aan waafaqsanayn nidaamka waxbarashada dalka.
  • Macalimiinta oo aan lahayn khibrad iyo tababar macalimnimo

Ugu dambayna, wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa lagu tilmaamaa wasaaraddaha ugu shaqada wanaagsan dowladda Puntland. Sanadkii 2010-ka ayaa wasaaraddu markii ugu horeysay ku guuleysatay in ay imtixaan guud ka qaado dhammaan iskuulada sare iyo kuwa dhexe ee kuyaala gobolada.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*