Wasaaradda Maaliyada Puntland oo sheegtay in dhawaan ay soo bixi doonaan go’aano ku saabsan adeega EVC

Sawirka: Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan soo saari doonto sharciyo lagu hagayo adeega lacag ku shubida moobilada ee EVC sida Sahal, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe oo maanta oo Talaado ganacsatada gobolka Nugaal kulan kula yeeshay gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegay in siyaasad ay dowladda uga daganyihiin adeega EVC ayna dhawaan soo bixi doonaan go’aano.

Caarshe ayaan bixin faahfaahin ku saabsan go’aanada, isaga oo carabka ku adkeeyay in aysan cidna dhib ku noqon doonin balse ay dan u yihiin shacabka.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah qaarkood ayaa sheegaya in dowladdu ay xadidi doonto muga adeega EVC.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*