Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in coronavirus uu si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abubakar. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in coronavirus uu si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda kadib markii maanta oo Jimce ah sagaal kiis oo cusub laga helay gudaha Muqdisho.

Dadka xanuunka laga helay ayaa waxaa kamid ah labo sargaal oo katirsan Wasaaradda Caafimaadka, sida wasaaraddu ay war-saxaafadeed ku sheegtay caawa fiidkii.

Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay gudaha Soomaaliya ayaa ah 21 qof, sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo haayada WHO.

Arbacadii, qofkii ugu horeeyay ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday xanuunka coronavirus. Qofka xanuunka u dhintay ayaa ahaa muwaadin Soomaali oo 58-jir ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*