Wasaaradda Amniga Puntland oo sheegtay in shirar dowladda lid ku ah aan lagu qaban karin gudaha Puntland

Sawirka: Shir dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Garoowe oo lagu dhaliilay hanaanka xukuumada hadda jirta.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Amniga Puntland ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in shirar dowladda lid ku ah lagu qaban karin gudaha magaalooyinka Puntland.

“Iyadoo ay maalmahan la qabanayey shirar qarsoodi ah oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabad gelyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto inaan la qaban karin wax shirar siyaasadeed ah oo lagu khalkhal galinayo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland shalay oo Sabti ahayd.

“Ciddii u hoggaansami weyda sharciga, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.” Ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa daba socday kulamo ka dhacay gudaha magaalada Garoowe oo lagu dhaliilay waxqabadka xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Dhanka kale, Cali Xaaji Warsame oo  soo noqday Wasiirka Waxbarashada Puntland iyo musgarax madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda Amniga mid sharci daro ah oo kasoo horjeeda dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland.

“Waa sharci-darro warqadaasi, waxayna ka soo horjeedaa dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland, waxayna meel-ka-dhac ku tahay bulsho weynta Puntland iyo xaquuqda mawaadinka dastuurku ilaaliyey,” ayuu ku yiri qoraal boggiisa rasmiga ah ee Facebook-ka soo dhigay Xali Xaaji.

“Sow ayaan-darro maaha in dowlad ku doodeysa in ay diyaar u tahay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka Puntland ku dhisan yahay ay qaado tillaabadaas caburinta ah, ee aysan reer Puntland marna u hogaansameyn.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*