Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo aqoonsigii waxbarashada kala noqotay tuulada Qarxis

Qarxis
Dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Qarxis. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay aqoonisgii xarunimada kala noqotay tuulada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Bayaan ay soo saartay maanta oo Isniin ah wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa lagu sheegay sidoo kale in wasaarada ay baabi’isay natiijadii imtixaanka dugsiga hoose/dhaxe ee tuulada Qarxis.

“Wasaaraddu waxay aqoonsigii xarunnimada imtixaan kala noqotay tuulada Qarxis waxaana ardaydooda loo rarayaa xarumaha imtixaan ee ugu dhaw,” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada.

“Wasaaraddu waxay baabi’say natiijadii Imtixaanka dugsiga hoose/dhexe ee Qarxis ee degmada Eyl,” ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay wasaarada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii imtixaankii wasaarada ee fasalka sideedaad dugsiga dhexe ee tuulada Qarxis la jabsaday bishii lasoo dhaafay ee May, imtixaanka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, taasoo keentay in wasaarada ay dib u celiso imtixaankii fasalka 8-aad ee gobolada Puntland.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*