Wasaarada warfaafinta Puntland oo ku wargelisay haayadaha warbaahinta Puntland in ay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan shaqaalahooda

Soocade
Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland, Maxamuud Xasan Soocade.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada warfaafinta dowlada Puntland ayaa haayadaha warbaahinada Puntland ku wargelisay in ay soo gudbiyaan liiska shaqaalahooda, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan madaxda haayadaha warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland in ay soo gudbiyaan liiska shaqaalahooda oo faah-faahsan sida:- magaca, jagada iyo ciwaankooda oo dhameystiran ug dambeyn 25 bisha July 2016,” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciddii aan soo gudbin iyo ciddii aan ku jirin liiska ay haayadaha soo gudbiyaan aysan ka hawlgali doonin deegaanada Puntland.

“Haddaba, ciddii aan mudadaas ku soo gudbin waxaa la ogeysiinayaa in aysan ka hawlgali Karin deegaanada Puntland, sidoo kale wariye aan magaciisa ku jirin liiska la soo gudbiyo wax war ah kama diri karo gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada warfaafinta kasoo baxay.

Amarkan ayaa imaanaya iyadoo ay jirto is-fahamwaa u dhaxeeya warbaahinta madaxa banaan ee Puntland iyo dowlada Puntland oo uu hoggaaminayo Cabdiweli Maxamed Cali.

Dhawaan ayaa dowlada albaabada u laabtay idaacada ugu weyn Puntland ee Radio Daljir, balse maalmo kadib ayaa lagu sii daayay wax loogu yeeray cafis Madaxweyne.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan oo suxufiyiinta ka howlgalaan, intii lagu jiray sanadadii u dambeeyay tobonaan wariye ah ayaa lagu dilay dalka.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa waxaa haysta xaalado badan oo ay kamidyihiin aqoon daro iyo dhaqaale xumo, iyadoo dalka uusan lahayn iskoolo lagu barto cilmiga saxaafada sidoo kale haayadaha warbaahinta ee dalka ka jira ayaan suxufiyiinta siin mushahaar ku filan oo ay ku maarayn karaan khatarta ay ku shaqaynayaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*