Wasaarada howlaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya oo sheegtay dhawaan in ay bilaabayso dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka

Wasaarada howlaha guud
Wasiirka howlaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya Injineer Saalax Shiikh Cusmaan (dhexda). Sawirka: Sonna.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaarada howlaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah in ay qorshaynayso in dib loo dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiirka howlaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya Injineer Saalax Shiikh Cusmaan ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay bilaabaan barnaamijka dib u dhiska kaabayaasha dalka.

“Waxaanu bilaabaynaa dib u dayactirka buundooyinka, wadooyinka iyo dekadaha waa weyn ee dalka sida ugu dhaqsashada badan, kuwaasoo burburay intii lagu guda jiray dagaalada sokeeye, waa mashaariic waxtar leh oo loo baahanyahay.” Ayuu yiri wasiir Saalax oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa ku burburay dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay, dowlada federaalka Soomaaliya oo caalamka taageero ayaa wali la dagaalamaysa maleeshiyada al-Shabaab, dowlada ayaa dadaal ugu jirta soo celinta amaanka iyo haayadihii dowliga ahaa ee dalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*