Wasaarada dekadaha Puntland oo yeelatay dhisme cusub oo qurux badan

dhismaha-wasaarada-dekadaha
Xarunta cusub ee wasaarada dekadaha dowlada Puntland.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasaarada dekadaha dowlada Puntland ayaa yeelatay dhisme cusub oo qurux badan oo laga dhisay magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Dhaqaalaha ku baxay dhismaha ayaa waxaa maalgeliyay dalka Denmark oo u soo mariyay haayada Qaramada Midoobay ee UNOPS.

Munaasabada xariga looga jarayay dhismaha cusub ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo uu kamid ahaa wasiirka dekadaha Cabdulaahi Jaamac, saraakiil ka socday haayada UNOPS iyo safiirka Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan Denmark Mette Knudsen oo dalkiisu maalgashay dhismaha.

Dhismaha wasaarada ayaa ka kooban laba dabaq waxaana dhismihiisu uu socday muddo ka badan 9 bilood sida ay sheegeen saraakiisha shirkada Al Bashid oo dhistay dhismaha.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*