Wariyeyaasha Puntland oo banaan-bax dhigay si ay u dalbadaan sii daynta wariye xiran

Wariyeyaasha Puntland oo banaan-bax dhigay si ay u dalbadaan sii daynta wariye xiran. [Sawirka: Facebook/jamadeperani]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wariyeyaasha jooga Garoowe ayaa maanta oo Khamiis ah isugu tagay irida hore ee aqalka baarlamaanka Puntland si ay uga banaan-baxaan xariga wariye Cumar Maxamed oo loo yaqaan (Cumar Dheere) kaasoo weli ku xiran xabsi kuyaala gudaha magaalada Garoowe xukun la’aan.

6 Agoosto, 2017, ciidamada Puntland ee ku sugan Garoowe ayaa xiray Cumar, oo u shaqeeya Horseed Media iyo Somali Cable TV.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa sheegay in xiritaanku uu yahay weerar ka dhan ah xoriyada hadalka iyo awood u adeegsasho saxaafada madaxa banaan, waxayna Puntland ka dalbadeen in la sii daayo wariyaha.

Dhowr wariye ayaa lagu xiray gudaha Puntland intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, taasoo kordhinaysa walaaca xoriyada warbaahinta ka shaqaysa gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*