Wariye u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray qaraxii Beledweyne

Sawirka: Wariyaha geeriyooday Cabdullaahi Cusmaan Macalin.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wariye Cabdullaahi Cusmaan Macalin ayaa u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalaa Beledweyne horaantii asbuucaan, saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay.

Macalin ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday isbitaal kuyaala Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayay.

Waxa uu la shaqeyn jiray Taleefishinka Jubbaland, oo ah TV uu leeyahay maamulka Jubbaland oo fadhigiisu yahay magaalo xeebeedka Kismaayo.

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii iyo aasxaabtii wariyaha geeriyooday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*