Wariye si xun ugu dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Wariyaha dhaawacmay Ismaaciil Shiikh Khaliif. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in wariye uu si xun ugu dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Kabtan Maxamed Xuseen oo katirsan booliiska ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in wariye Ismaaciil Shiikh Khaliif oo sidoo kale katirsan ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda warbaahinta, uu ku dhaawacmay kadib markii qarax loogu qariyay gaarigiisa uu ku qarxay degmada Waaberi.

Khaliif ayaa la sheegay in uu si weyn u dhiig baxay haddana lagu dabiibayo isbitaal kuyaala magaalada.

Ma jirto koox si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan wariyeyaasha. Haayada difaacda warbaahinta ee CPJ ayaa sheegtay in 59 wariye lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo 1991, markaas oo dagaalkii sokeeye uu ka qarxay dalka kuyaala Geeska Afrika.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si joogta loogu hanjabaa balse ciidanka booliiska ayaa marar dhif ah baaritaan ku sameeya umana difaacaan si ku filan wariyeyaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*