Wariye Kilwe oo weli ku xiran Garoowe

Wariyaha la xiray Axmed Cali Kilwe. [Sawirka: Facebook/ahmedalikilwe]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wariye maxali ah ayaa wali lagu hayaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe iyada oo aan weli la dacweyn, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Axmed Cali Kilwe oo ah tifaftiraha mareegta Puntland One ayaa waxaa xiray ciidamada la dagaalanka argagixisada bilwogii bishaan July iyada oo lala xiriirinayo qoraal uu kuu eedeeyay Madaxweynaha Puntland oo uu ku daabacay boggiisa Facebook-ka.

Bayaan ay soo saareen, Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayay ku cambaareeyeen xariga Kilwe waxayna walaac ka muujiyeen xoriyada hadalka ee warbaahinta kuwaas oo wajahaya xirid sharci daro ah.

“Maahan markii kowaad oo ay haayadaha Puntland si aan nidaam ahayn u adeegsadaan awood si loo xiro wariye, dhammaan kiisas hore oo lamid ah waxaa ciidamada ammaanku xireen wariyeyaal kadib amar kasoo baxay masuuliyiinta dowladda,”, waxay ku sii dareen “mar walba waxaanu ugu yeernaa haayadaha Puntland in ay ku dhaqmaan ayna xushmeeyaan awood siinta xoriyada hadalka ee dastuurka Puntland balse waxay u muuqataa in haayaduhu ay mar walba iska dhaga tirayaan baaqayaga,” MAP ayaa sidaas ku tiri bayaanka.

Sidoo kale, Guddiga Difaaca Wariyeyaasha Caalamka ee CPJ ayaa Puntland ka dalbatay in si deg deg ah loo sii daayo wariye Kilwe loona ogolaado shaqadiisa si aan baqdin iyo ciqaab lahayn.

Dhowr wariyeyaal ah ayaa lagu xiray gudaha Puntland sanadadii u dambeeyay, taasoo kordhinaysa walaaca ku saabsan xoriyadda suxufiyiinka ka shaqaysa Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*