Wariye Cawil Daahir Salaad oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Wariye Cawil Daahir Salaad. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mid kamid ah wariyeyaasha caanka ah ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyo ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Cawil Daahir Salaad, labo ilaaladiisa kamid ah iyo darawalkiisii ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari oo lala eegtay bar-kantarool u dhow xarunta madaxtooyada.

Wariye Cawil oo jiray 45-sanno, ayaa ahaa ruugcadaaga wariye kaasoo ka shaqeyn jiray warbaahinta Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe iyo mudadii burburka ahayd.

Sanadkii 2005 ayuu dalka ka tagay isaga oo u wareegay dalka England, halkaas oo uu mihnadiisii kasii waday.

Hadda, waxa uu la shaqeynayay taleefishinka Universal, oo uu daadihin jiray barnaamijka Dood Wadaag.

Cawil ayaa sanadihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho isaga oo ku rajo weynaa in xaalada dalku ay soo hagaagayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*