Warbixin Gaar ah: Joogitaanka ISIS buuraha Galgala Puntland

isis
Qiyaastii 10 ilaa 30 dagaalyahan oo ah ISIS qaybteeda Geeska Afrika ayaa bishii lasoo dhaafay ee April kasoo muuqday muuqaal lagu daabacay Online-ka. [Sawirka: Screenshot]
Bishii Oktoobar sanadkii hore ee 2015-ka, koox ka kooban 20 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo sarkaal sare oo Al-Shabaab ahaa ayaa balanqaaday in ay ku biireen oo ay daacad u yihiin kooxda Dowlada Islaamiga ah ee ISIS, sida lagu sheegay muuqaal lagu daabacay You Tube-ka.

Muuqaalka lagu daabacay You Tube-ka, ayaa Shiikh Cabdiqaadir Muumin ku iclaamiyay ku biiritaankooda ISIS isaga oo yiri “Anaga oo ah Mujaahidiinta Soomaaliya, waxaanu iclaaminay in aanu ku biirnay khilaafada Ibrahim ibn Awad ibn Ibrahim al-Awad al-Qurashi”.

Ibrahim ibn Awad ibn Ibrahim al-Awad al-Qurashi ayaa ah hoggaamiyaha guud ee kooxda Dowlada Islaamiga ah waxaana loo yaqaanaa (Al-Baqdaadi).

Kooxda Dowlada Islaamiga ah ayaa aqbashay balanqaadyo biiritaan oo uga yimid kooxo jooga Bariga Dhexe, Afkaanistaan, Baakistaan, Waqooyiga Afrika iyo Bariga Afrika.

Tilaabada ay qaadeen kooxda Muumin waxay kala qaybsanaan ku keentay dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaasoo ka dagaalama buuraha Galgala Puntland tan iyo 2010-kii.

Puntland oo ah meesha ay joogaan kooxdan yar oo kamid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya, ayaa walaac ka muujisay markii kooxdaas ay iclaamisay in ay ISIS ku biirtay, wasiirka amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo saxaafada la hadlay ayaa yiri “Ciidamada Puntland waxay diyaar u yihiin ayna u heeganyihiin in ay ciribtiraan kooxdaas ISIS sheegatay”.

ISIS oo dagaalyahano ka qoranaysa gudaha Puntland

isis-in-puntland
Dagaalyahano katirsan ISIS oo dhawaan kasoo muuqday muuqaal lagu daabacay Online-ka, kuwaasoo loo malaynayo in ay ku dhuumanayaan meelo kamid ah gobolka Bari ee Puntland. [Sawirka: Screenshot]
Muuqaalka dhexdiisa, ayuu Cabdiqaadir Muumin ugu yeeray dhamaan Muslimiinta gobolka in ay ku soo biiraan khilaafada Soomaaliya iyo dhamaan Bariga Afrika.

Tan iyo markii ay furteen saldhigooda gobolka, kooxda ayaa bilowday qoritaanka dagaalyahano si ay ugu dagaalamaan kooxda, sida uu warsidaha Puntland Mirror u sheegay khabiir dhanka sirdoonk ah.

“Joogitaanka ISIS ee gudaha Puntland waa uu ka sareeyaa sida horey loo sheegay,” khabiir dhanka sirdoonka, oo codsaday in magaciisa aan la sheegin ayaa sidaa Puntland Mirror u sheegay.

Khabiirka ayaa sheegay in garabkii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab ee buuraha Galgala oo uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Muumin ay ahaayeen 20 ilaa 30 dagaalyahan markii la asaasay bishii Oktoobar ee 2015-kii, laakiin hadda ay kordheen oo lagu qiyaasayo 100 ilaa 150 dagaalyahan oo xoogan, kuwaasoo taageero dhaqaale, mid hub iyo mid la talin ay ka helaan kooxda Wilaayata Xadramowt oo ISIS kamid ah kuwaasoo fadhigoodu yahay bariga dalka Yeman.

Bartamihii bishii April ee sanadkan, kooxda ISIS ee gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkoodii ugu horeysay ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in walxaha qarxa ay la eegteen gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo marayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastoo ay ahaataba AMISOM ayaa diiday sheegashada ISIS. Waxay ahayd markii kowaad oo ay ISIS sheegato weerarkoodii kowaad ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, oo dhawaan saxaafada la hadlayay, ayaa sheegay in ay ka wel-wel qabaan waxa loogu yeeray khilaafada ISIS ee saldhigyada ka samaysanaysa gobolka si ay u xagjireeyaan dhalinyarada.

Waa kuma Cabdiqaadir Muumin?

muumin
Hoggaamiyaha garab ISIS ee Geeska Afrika, Shiikh Cabduqaadir Muumin oo loo malaynayo in uu ku dhuumanayo buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland. [Sawirka: Jihadology.net]
Tan iyo markii ay ku biireen ISIS, kooxda Shiikh Cabdiqaadir Muumin oo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayaa bilowday qoritaanka dagaalyahano cusub, sida ay sheegeen khuburada sirdoonka.

Bishii April ee sanadkan, Muumin oo ay waheliyaan 20 dagaalyahanadiisa kamid ah ayaa kasoo muuqday muuqaal lagu daabacay You Tube-ka, hoggaamiyaha ayaa iclaamiyay in saldhigoodii kowaad ay ka furteen gudaha Soomaaliya, kaasoo kuyaala gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Si kooban, Mr. Muumin waxa uu ku dhashay Puntland waxaana uu ku noolaa dalka Sweden kahor inta uusan u guurin UK 2000, halkaas oo loogu ogolaaday dhalashada British-ka.

Sanadkii 2010-kii, Muumin ayaa u safray gudaha Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, intii u dhaxaysay 2010-ka ilaa 2015-ka, waxa uu ahaa la taliyaha garabka Al-Shabaab ee buuraha Galgala ee Puntland.

Bishii April ee sanadkan 2016-ka, ciidamo hubaysan oo ka socday ciidamada amaanka Puntland (PSF) ayaa weerar ku qaaday saldhiga Muumin ee tuulada Galgala, laakiin waxa uu u baxsaday buuraha Galgala halkaas oo loo malaynayo in maleeshiyadiisu ay ku dhuumanayso.

Si kastoo ay ahaataba, 1-dii bishii September ee 2016-ka, Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamka ku daray wadaadka garka guduudsaday ee Cabdiqaadir Muumin.

Ugu dambayna, Soomaaliya iyo gobolka oo dhan ayaa la daalaa-dhacayay weerarada kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, kooxda cusub ee ISIS ayaa sii xumayn karta xaalada amaanka dalka sanooyinka ku jiray dagaalada sokeeye ee Soomaaliya iyo dhammaan gobolka Bariga Afrika.

(Warbixintan waxaa diyaarshay wariyeyaasha warsidaha Puntland Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*