Waqooyiga Kuuriya oo weerar kumbuyuutarada ah ku qaaday taliska milatariga Koonfur Kuuriya

Waqooyiga Kuuriya ayaa diiday ku lug lahaanshaha eedahaas. [Sawirka: Archive]
Waqooyiga Kuuriya ayaa la aaminsanyahay in ay leedahay kumanaan qof oo kumbuyuutada u dhaca. [Sawirka: Archive]
Seoul-(Puntland Mirror) Taliska hawada ee milatariga Koonfurta Kuuriya, ayaa samaynaya difaac ay kaga hortagaan weerar dhanka kumbuyuutarada ah oo ay ku qaadeen Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegeen milatariga.

Afhayeen u hadlay Koonfurta Kuuriya ayaa warbaahinta u sheegay in macluumaad sir ah loo maleynayo in laga xaday, sidoo kale si sax ah uma cadda waxa ay tahay xogta la xaday.

“Waxay u muuqataa in Server-ka Milatariga lagu wasakheeyay malware. Waxaanu helnay qeyb dukumentiyo milatari oo ay kamidyihiin macluumaad sir ah oo la xaday,” afhayeen u hadlay milatariga ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Yonhap ee Koonfurta Kuuriya.

Xukuumada Pyongyang ee Waqooyiga Kuuriya ayaa diiday ku lug lahaanshaha eedahaas.

Waqooyiga Kuuriya, ayaa horey loogu eedeeyay in ay weerar kumbuyuutarada ah ku qaadeen bangiyo iyo xarumo warbaahin oo laga leeyahay Koonfurta Kuuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*