Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal rido dheer

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal. [Sawirka: Archive]
London-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa hawada u riday gantaal rido dheer maanta oo Axad ah.

Gantaalka ay riday Waqooyiga Kuuriya ayaa dul maray dhanka bariga ku aadan Badda Japan oo qiyaas ahaan u jirta 500km, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfurta Kuuriya.

Ridida gantaalka ayaa ka dhacday saldhig ciidanka cirka oo la dhaho Banghyon oo kuyaala gobolka waqooyi ee Pyongan oo ku aadan dhanka galbeedka gacanka koonfureed.

Gantaalka ayaa gaaray cabir dhan 550km oo taag dhanka cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfur Kuuriya oo ay soo xigatay wakaalada wararka Reuters.

Jawaab celinta ka dhalatay tijaabada Waqooyiga Kuuriya

Donald Trump oo sheegay in Mareykanku uu 100% dhinac taaganyahay Japan. [Sawirka: AP]
Donald Trump oo sheegay in Mareykanku uu 100% dhinac taaganyahay Japan. [Sawirka: AP]

Shir jaraa’id oo ay wadajir u wada qabteen madaxweynaha dalka Japan Mr Abe oo booqasho ku jooga Mareykanka iyo dhiggiisa Trump ayay ku tilmaamin gabi ahaanba arrin aan loo dul qaadan Karin.

Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku ay garabtaaganyihiin Japan, oo ah saaxiib weyn.

Dhanka kale dalka ay cadaawadu kala dhaxayso ee ay dariska yihiin Koonfurta Kuuriya wasiirkeeda arrimaha dibada ayaa sheegay in Waqooyiga Kuuriya ay wali soo celcelinayso daandaansiga istuska ah oo uu hormuudka ka yahay rajiimka Kim Jong-un.

Wali ma jirto wax jawaab deg deg ah oo kasoo baxay Waqooyiga Kuuriya.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegay intii lagu guda jiray bishii lasoo dhaafay ee Janaayo in dalkiisu uu ku sii siqayo in u tijaabiyo gantaalo rido dheer oo qaadi kara madaxyada hubka wax gumaada ee nukleerka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii lasoo dhaafay tijaabisay ilaa iyo shan gantaal, iyada oo sheegtay in ay qaadi karaan nukleer lagu weerari karo ilaa Mareykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*