Waqooyiga Kuuriya oo afar gantaal oo dhanka hawada ah ku gantay dhanka badda Japan

Waqooyiga Kuuriya oo afar gantaal oo dhanka hawada ah ku gantay dhanka badda Japan. [Sawirka: Archive]
Waqooyiga Kuuriya oo afar gantaal oo dhanka hawada ah ku gantay dhanka badda Japan. [Sawirka: Archive]
London-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa afar gantaal oo dhanka hawada ah ku gantay dhanka badda Japan.

Saddex kamid ah gantaalada ayaa ku dhacay aag ganacsiyeedka biyaha gaarka u ah Japan kadib markii ay soo dulmareen 1,000 km.

Gantaalada ayaa laga soo ganay gobolka Tongchang-ri, oo u dhow dhanka xuduuda waqooyi ee Shiinaha, sida aya sheegeen milatariga Koonfurta Kuuriya.

Ma cadda nooca gantaalada balse Qaramada Midoobay ayaa Waqooyiga Kuuriya ka mamnuucday tijaabinta gantaalada, inkastoo aysan dheg jalaq u siin.

Jimcadii lasoo dhaafay, xukuumada  Pyongyang ayaa ku goodiday in ay gani doonto gantaalo si ay uga jawaabceliso dhoolatus milatari oo socda oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriya Koonfureed. Waqooyiga Kuuriya ayaa u aragta dhoolatuskaas mid loogu diyaargaroobayo sidii farogelin loogu samayn lahaa iyaga.

Ganida maanta oo Isniin ah ayaa noqonaysa kii ugu dambeeyay ee tijaabooyin taxane ah oo tiknoolajiyada gantaalada Waqooyiga Kuuriya ah.

Waqooyiga Kuuriya ayaa kusoo celcelisa in barnaamijkeeda nukleerka uu yahay mid nabdoon balse waxaa la aaminsanyahay in ay kobcinayso gantaalo dhanka hawada ah oo isaga gudbi kara caalamka oo dhan, sidoo kalena duqayn kara Mareykanka oo ay cadow isku yihiin.

Madaxweynaha dalka Japan oo ay derisyihiin Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabadaas maanta oo Isniin ah ugu yeeray “marxalad cusub oo khatar ah”.

Bishii lasoo dhaafay Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay ku guulaysteen tijaabo nooc cusub oo gantaal hawada ah, iyadoo ganida gantaalkaas uu kormeere ka ahaa hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*