Wakiilka QM ee Soomaaliya oo sheegay in khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu curyaamin karo dadaalada lagu taageerayo Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in khilaafka hadda ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya uu curyaamin karo dadaalada lagu taageerayo Soomaaliya si ay u soo kabato.

“Waxa hadda aynu wajahayno arrin halis ah oo siyaasadeed, isma-ri-waaga u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka waxa uu curyaamin karaa dadaalkayaga aanu ku taageerayno Soomaaliya si ay cagaheeda dib isugu taagto,” Ayuu ka yiri shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo halkaas oo asbuucaan uu safar ku tagay.

“Waxaanu raadineynaa qaababkii iyaga oo wadajir ah ay Soomaalidu ku xalin lahayd dhibbaatooyinkooda halka ay si kala gooni ah u kala tagi lahaayeen,” ayuu ku sii daray Haysom.

Bilihii u dambeeyay, khilaaf xoogan ayaaa u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

Bishii  September, Dowlad Goboleedyada oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ku hakiyay xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Dhexe, balse Hir-Shabeelle ayaa dib heshiis ula gaartay Dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*