Wadahadalo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo hakad ku yimid

Wadahadalada u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ka bilaabmay shalay oo Talaado ahayd. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Hakad ayaa ku yimid wadahadalo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug, sida uu sheegay masuul katirsan Puntland.

Masuul katirsan Puntland oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in hakad uu ku yimid wadahadalada kadib dhacdo dil ah oo xalay ka dhacday deegaan u dhow degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

“Wadaxaajoodkii u dhaxeeyay labada dhinac waxaa ku yimid hakad kadib markii maleeshiyo kasoo jeeda dhanka Galmudug ay dad shacab ah ku xasuuqeen deegaano miyi ah oo katirsan gobolka Mudug,” ayuu yiri masuulku.

“Masuuliyiintii Galmudug iyo odayaashi waxay u baxeen deegaanada ay dilku ku dhaceen sidaas baa keentay in wadaxaajoodku uu hakado.” Ayuu ku daray. 

Ugu yaraan shan qof ayaa la dilay 10 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maleeshiyo katirsan Galmudug ay beegsadeen dad shacab deegaanka Laan-Qawar ee degmada Jariiban xalay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Shalay oo Talaado ahayd, Wasiiro ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ka bilaabay wadahadalo si looga wada xaajoodo colaada u dhaxaysa labada dhinac.

Wadahadalada ayaa waxa ay dabo socdeen kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Cadaado bishii lasoo dhaafay.

Khilaafyada u dhaxeeya labada dhinac ayaa kusoo noq-noqonayay gudaha gobolka Mudug tan iyo sanadkii 1991-dii, markaas oo uu dalku galay dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*