Wadahadaladii Gambia oo guuldareystay iyada oo Madaxweyne Jammeh diidanyahay in uu xilka ka dego

Adama Barrow (midig) Yahye Jammeh (bidix).
Adama Barrow (midig) Yahye Jammeh (bidix). [Lahaanshaha Sawirka: Reuters]
Banjul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow, ayaa ka tagay daka kadib markii ay guuldaraysteen wadahadalo looga dhaadhicinayay in Madaxweyne Yahya Jammeh uu xilka ka dego.

Madaxweynaha Nayjeeriya ayaa u duulay magaalada Banjul si uu isugu dayo heshiis dhex-dhexaadin ah balse Mr Jammeh ayaan xilka wareejin doonin.

Mr Barrow ayaa hadda ku sii jeeda dalka Mali, halkaas oo uu kaga geybgali doono kulan ay halkaas ku yeelan doonaan hoggaamiyaasha Galbeedka Afrika.

Wakhtigii xil haynta ee Madaxweyne Jammeh ayaa ku eg Khamiista soo socota.

Midowga Afrika aya sheegay in aysan aqoonsan doonin maamulka Mr Jammeh markii uu wakhtigiisu idlaado.

Hoggaamiyaha dalka Nayjeeriya Muhammadu Buhari ayaa tagay caasimada dalka Gambia ee Banjul si uu wadahadal dhex-dhexaadin ah isugu dayo, iyada oo laga cabsi qabo in muranka siyaasadeed uu sababo ammaan daro.

ECOWAS, oo ka kooban 15 dowladdood oo kuyaala Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay adeegsan doonaan awood milatari si xilka looga tuuro Mr Jammeh haddii uu ka dhaga adayko in uu xilka ka dego.

Mr Barrow ayaa ku guuleystay 43.3% codod ah doorashadii bishii December ee saadkii tagay, marka loo barbardhigo Mr Jammeh oo helay 39.6%.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*