Wada-hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca oo ka furmay Muqdisho

Bidix ka bilow: Hoggaamiyaha Ahlu Suna Waljamaaca, Shiikh Maxamed Shaakir, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabay, Afhayeenka Baarlamanka Galmudug, Cali Gacal Casiir. [Graphic: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wada-hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa manta oo Talaado ah ka furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareeydu sheegeen.

Kulanka oo ay taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay sidii hal dowlad goboleed looga dhisi lahaa gobolada dhexe ee Soomaaliya, sida ay sheegeen.ilo-wareeydu.

Masuuliyiinta sare ee labada dhinac ayaa ka qaybqaadanaya Wada-hadalka.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga guul gaari lahayd midaynta labada dhinac, taasoo dowladda Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ay ku fashilantay.

Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa maamula gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Bilowgii bishaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo sidoo kale loo yaqaan (Juxa) ayaa tagay magaalada Cadaado ee Galmudug si uu uga dhaadhiciyo masuuliyiinta maamulka Galmudug in ay ka qaybgalaan wada-hadalka ay hoggaaminayso dowladda federaalka Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*