Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka baxday heshiiskii ay la gashay

Shiikh Shaakir, madaxa Ahlu Sunna Waljama. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka baxday heshiiskii ka dhaxeeyay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay masuuliyiinta Ahlu Sunna maanta oo Talaado ah.

Waxaa kale oo ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka soo buuxisay deegaankooda.

Ahlu Sunna oo katirsanayd maamulka goboleedka Galmudug ayaa dhawaan khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf, taasoo sababtay in Galmudug ay dhowr dhinac u kala jabaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir maamul loogu dhisayo Gamudug ay ku qabanayso magaalada Dhuusamareeb, taasoo maalmihii u dambeeyay ay dowladdu geynaysay ciidamo badan kuwaasoo ay ku sheegtay in ay qayb ka qaadan doonaan amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*