Urur goboleedka IGAD oo isku raacay in ciidamo loo diro dalka Koonfurta Suudaan

IGAD
Shirka madaxda urur goboleeka IGAD oo Addis Ababa lagu qabtay.

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay caasimada Ethiopia, Addis Ababa, ayaa isku raacay in ciidamo ka socda wadamada IGAD loo diro dalka Koonfurta Suudaan.

Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa saxaafada u sheegay in dowlada Koonfurta Suudaan ay ogolaatay in ciidamo ka socda IGAD loo diro dalkeeda.

“Dowlada Koonfurta Suudaan waa ay ogolaatay in ciidamo loo diro.” Ayuu yiri xoghayaha IGAD Maxbuub Macalin.

Bishii lasoo dhaafay ee Luulyo ayaa dagaalo culus ku dhexmareen caasimada Juba ciidamada Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar.

Dagaalkaas ayaa sababay in Riek Machar uu ka baxo caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba.

Dagaalka kadib ayaa Madaxweyne Salva Kiir xilkii ka qaaday madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar, bales xilka qaadistaas waa uu diiday Machar wuxuuna ku adkaysanayaa inuu wali yahay madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan.

Bishii December sanadkii 2013-kii, dagaalo dhexmaray ciidamada dowlada Koonfurta Suudaan iyo taageerayaasha Riek Machar ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof waxaana ku barakacay malaayin kale.

Dabayaaqadii sanadkii 2015-ka ayay heshiis ay wadamada gobolka dabada ka riixayeen gaareen, balse hadda waxaa laga cabsi qabaa in markale uu dalkaas ku laabto dagaalo sokeeye, taasoo keentay in IGAD ay go’aan ku gaarto in dalkaas loo diro ciidamo faragelin ku sameeya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*