UK oo balanqaaday £100 milyan oo Euro ah oo lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay ee gudaha Soomaaliya

Priti Patel oo ah xoghayaha waaxda arrimaha horumarinta caalamiga ah ee (DFID).[Sawirka: Archive]
Priti Patel, xoghayaha waaxda arrimaha horumarinta caalamiga ah ee (DFID).[Sawirka: Archive]
London-(Puntland Mirror) Boqortooyada Ingiriiska ayaa siin doonta Soomaaliya caawimaad dhaqaale oo gaaraysa £100 milyan oo Euro ah si wax looga qabto digniinta macaluusha ee dalka ka jirta.

Dhaqaalaha gargaarka ah ee ay UK balanqaaday ayaa wax looga qaban doonaa meelaha ay abaarta daran ka jirto, halkaas oo la gaarsiin doono cuno quudin, biyo sifaysan iyo xarumo daryeel caafimaadka deg dega ah lagu bixiyo.

Priti Patel, oo ah xoghayaha waaxda arrimaha horumarinta caalamiga ah ee (DFID) ayaa bayaan ku sheegtay in UK ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto xaalada insaanimo ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

“Aduunku waxaa uu wajahayaa xaalada bini’aadanimo oo daran iyo khatar macaluul oo ka jirtaa ilaa afar dal oo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Xaaladahaas daran waxaa keenay colaado iyo abaar waxaana anaga waajib nagu ah in aan ka jawaabno,” ayay tiri Priti Patel.

“Balantayada caawimaada UK waxay ujeedadeedu tahay in marka dadku ay khatar kaga imaanayso abaar iyo musiibo, aanu haysano agabkii iyo khibradii aan uga hortagi lahayn musiibada.” Ayay ku dartay.

Dhawaan, ergayga gaarka ah ee UK u qaabilsan Geeska Afrika Nicholas Kay ayaa codsaday in la qaado tilaabo looga hortago macaluul dhimasho keenta in ay ka dhacdo gudaha Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ku dhawaad 5 milyan oo dad ah oo ay saameysay abaarta dalka ka jirta ayaa u baahan kaalmo bini’aadanimo gudaha gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*