Ugu yaraan shan qof oo lagu dilay isku dhac dhexmaray maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalyahanada ISIS

Maleeshiyada ISIS oo ku sugan meel kutaala gudaha Puntland. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay kadib markii maleeshiyo deegaanka ah ay isku dhaceen dagaalyahano katirsan ISIS gudaha gobolka Bari shalay galab oo Sabti ahayd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Urur oo u dhow magaalo xeebeedka Qandala, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Isaga oo la hadlayay idaacada Radio Daljir oo fadhigeedu yahay Puntland, taliyaha ciidamada difaaca Puntland Janaraal Siciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere” ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadku uu dhacay, waxaana uu intaas ku daray in ciidamada dowladda ay gaareen halkaas.

Siciid Dheere ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka.

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2016, ISIS ayaa qabsatay magaalo xeebeedka Qandala, bilowgii bishii December ee sanadkaas ayaa ciidamada Puntland dib ula wareegeen magaalada balse maleeshiyada ISIS ayaa u baxsaday deegaanada miyiga ah oo u dhow Qandala halkaas oo maleeshiyadu loo maleynayo in ay ku dhuumanayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*