Ugu yaraan shan qof oo lagu dilay dagaal wali ka socda magaalada Gaalkacyo

Dagaalka oo wali ka socda duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof, oo u badan askarta iska soo horjeeda, ayaa lagu dilay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka socda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Dagaalka ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyada Galmudug ay weerar kusoo qaadeen saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Puntland oo kuyaala duleedka koonfureed ee magaalada, sida ay sheegeen saraakiil dhanka amaanka ah oo maxali ah.

Qiyaasta khasaaraha tirada dhimashada ayaa kala duwan, balse ilo-wareedyada intooda badan waxay dhigayaan in tirada ay ka sarayso 5, halka kuwana sheegayaan in ay ka badantahay 10.

Ma jiraan jawaabo kasoo baxay Puntland iyo Galmudug ilaa iyo hadda.

Dhanka kale, Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baqaay dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka Gaalkacyo. Horey, Sharmaake ayaa ugu fashilmay in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac ee Soomaalida ah kadib markii maleeshiyada Galmudug ay diiday in ay joojiyaan dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaqa ah ee ay ku qaadayaan ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka koonfureed ee magaalada.

Ku dhawaad 50,000, oo dadka deegaanka magaalada ah ayaa ka cararay guryahoodii ilaa iyo inta uu qarxay colaada Gaalkacyo bishii Oktoobar ee sanadkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*