Ugu yaraan shan qof oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Afgooye

Ugu yaraan shan qof oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Afgooye. [Sawirka: Archive]
Ugu yaraan shan qof oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Afgooye. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof oo ay kamidyihiin saddex askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa geeriyooday kadib markii dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhacay magaalada Afgooye shalay oo Isniin ahayd, sida uu sheegay sargaal.

Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka Anadolu, Cabdiraxmaan Axmed, oo ah sargaal katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalku uu bilaabmay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Maleeshiyaad Al-Shabaab ah ayaa weeraray saldhig ciidan oo kuyaala Afgooye. Saddex askarta kamid ah ayaa ku dhimatay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Waxaanu dilnay labo maleeshiyo Al-Shabaab ah in ka badan 10 kalena waa ay dhaawacmeen. Ciidamadayada ayaa hadda gacanta ku haya magaalada oo dhan.” Ayuu Cabdiraxmaan u sheegay Anadolu.

Afgooye waa magaalo beereed istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho.

Dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, ku dhawaad saddex askari oo katirsanaa haayada nabadsugida Soomaaliya ee NISA iyo afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ahaa ayaa ku dhimatay weerar kan lamid ah oo ka dhacay magaalada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray intooda badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse maleeshiyadu wali waxay qaadaysaa weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo lid ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga AMISOM.

Xigasho: Puntland Mirror + wakaalada wararka Anadolu.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*