Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Baabuurta gurmadka deg-dega ah ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay qarax galabta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan booliiska iyo caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa uu ku qarxay banaanka makhaayad la dhaho Barwaaqo oo kutaala isgoyska Dabka ee Muqdisho.

In ka badan 15 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ilo-wareedku ay intaas ku dareen.

Intooda badan dadka dhibbaatadu kasoo gaartay qaraxaas ayaa ahaa dad shacab ah.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa, balse ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa mar walba weeraro ka fulisa Muqdisho, oo ah caasimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*