Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka socda magaalada Caabudwaaq

Dagaalada sokeeye ayaa caan ka ah dhulka ay Somaalida degto. [Sawirka: Archive]
Dagaalada sokeeye ayaa caan ka ah dhulka ay Somaalida degto. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof oo dhinacyada dagaalamaya ah ayaa ku dhimatay ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, sida ay wararka sheegayaan.

Dagaalka oo daba socday dagaalo hore oo labada dhinac ku dhexmaray halkaas ayaa bilaabmay maanta oo Arbaco ah, waxaana wararka laga helayo dadka deegaanka ay sheegayaan in uu wali socdo.

Dagaalada sokeeye ayaa Soomaaliya caan ka ah waxaana u badan waxyaabaha keena aanooyin qabiil iyo  isku haysasho dhul.

Dagaalada sokeeye ayaa caan ka ah dhulka ay Somaalida degto waxaana u badan waxyaabaha keena aanooyinka qabiil iyo  isku haysashada dhulka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*