Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay makhaayad shaah oo kutaala Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay makhaayd shaah oo kutaala Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Ugu yaraan saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay makhaayd shaah oo kutaala Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax lagu qariyay caawa fiidkii makhaayad yar oo kutaala Muqdisho, sida ay sheegeen saraakhiisa booliiska iyo kuwa dowladda.

Afhayeenka magaalada Muqdisho, Cabdifataax Cumar Xalane ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in qaraxa lagu qariyay makhaayada.

“Qaraxa oo lagu xiray gudaha makhaayada ayaa qarxay.” Ayuu u Cabdifataax u sheegay Reuters.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kamid yihiin askar.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay korodho sababtoo ah dhaawacyada qaar oo xaaladoodu darantahay, sida ay sheegeen booliiska.

Ma jirto cid sheegatay in ay ka dambayso masuuliyada qaraxa, balse saraakiisha ammaanka ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay qaraxaas rakibeen.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*