Ugu yaraan saddex qof oo ku dhaawacantay madaafiic ku dhacday xarunta wasaarada gaadiidka dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho2
Madaafiicda oo burburisay labo gaari oo dhexyaalay xarunta wasaarada. Sawirka: Sonna.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay labo gaarina waa ay ku burbureen kadib markii madaafiic lagu garaacay xarunta wasaarada gaadiidka dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Axad ah.

Afhayeenka dowlada hoose ee Muqdisho, Cabdifataax Cumar Xalane, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in labo madfac ay ku dhaceen xarunta wasaarada.

Muqdisho1
Kooxda dab-damiska oo seexinaya gaariyaasha uu madfaca ku habsaday. Sawirka: Sonna.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarka madaafiicdaas, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa horey weeraro kan la mid ah uga geysatay caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*