Ugu yaraan saddex kamid ah ilaalada Soomaalida ah ee QM oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ilaaladii dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo. [Sawirka: Archive]
Ilaaladii dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex kamid ah ilaalada Soomaalida ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax gaari oo loogu rakibay gaarigooda uu ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Qaraxa ayaa dhacay iyadoo gaariga ay saarnaayeen ilaaladu uu marayay meel u dhow xarunta UNDP ee Muqdisho.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro kan lami ah geysatay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*