Ugu yaraan lix qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Turkiga

Turkiga qarax
Qaraxa oo burburiyay xarunta booliiska magaalada Elazig. Sawirka: Reuters.

Ankara-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay ku dhawaad 219 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii labo qarax oo waa-weyn oo loo adeegsaday gaari lala beegsaday saldhigyo booliis oo kuyaala magaalooyiin kala duwan oo Turkiga ah.

Weerarka kowaad ayaa lala beegsaday saldhig booliis oo ku yaala magaalada bariga kutaala ee Van, waxaana ku dhimatay hal sarkaal oo booliis ah iyo labo qof oo shacab ah, ku dhawaad 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Saacado kadib, qarax kale ayaa lala beegsaday saldhig booliis oo kuyaala magaalada Elazig, waxaana ku dhimatay ugu yaraan saddex sarkaal oo booliis ah waxaa kale oo ku dhaawacmay 146 qof.

Saraakiisha dowlada Turkiga ayaa ku eedeeyay weeraradaas maleeshiyada Kurdiyiinta ee PKK.

PKK ayaa horey u qaaday weeraro qarax oo is-xigxiga oo ay la beegsaday haayadaha Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*