ugu yaraan lix qof oo lagu dilay gawaari bas ah deegaanka Mandheera, al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay markii niman qoryo wata ay rasaas huwiyeen labo gaari oo bas ah maanta oo Jimco ah deegaanka Mandheera ee xadka Kiinya iyo Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha Mandheera.

Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in weerarka uu dhacay subaxnimadii hore iyadoo gawaarida baska ah ay u socdeen magaalada Mandheera kana yimaadeen caasimada, Nayroobi.

“Ilaa iyo hadda waxaanu maqalnay dhimashada lix qof,” ayuu yiri isagoo sheegay in weerarka uu ka dhacay wadada u dhaxaysa Wargaduud iyo Ceelwaaq.

Maraykanka ayaa Khamiistii uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan deegaanada u dhow xadka Kiinya ay la wadaagto Soomaaliya sababtoo ah khatar laga qabo maleeshiyada al-Shabab.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka howlgalada militariga al-Shabaab u qaabilsan, Cabdicasiis Abu Muscab.  Deegaanka Mandheera ayaa horey waxaa weeraro uga geystay maleeshiyada al-Shabaab kuwaasoo ay ku dileen dad badan oo saraakiisha amaanka iyo shacab isugu jira.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*