Ugu yaraan lix qof oo ku dhimatay banaanbaxyo ka dhacay dalka Ethiopia

Banaanbax Oromo
Dad kamid ah qowmiyada Oromoda oo banaanbax ka sameeyay Sabtidii magaalada Addis Ababa. Sawirka: Reuters.

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof baa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tobonaan kalena waa la xiray kadib labo maalmood oo banaanbaxyo ay ka dhaceen caasimada dalka Ethiopia, Addis Ababa.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in afar qof lagu dilay gobolka Waqooyiga Gondar oo ay degaan qowmiyada Amxaarada shalay oo Sabti ahayd, sidoo kalena labo qof lagu dilay deegaan 700km dhanka waqooyiga kaga beegan Addis Ababa maalintii Jimcada.

Haayadaha dowlada Ethiopia wali kama aysan hadlin tirada dhimashada.

Dhimashada ayaa kusoo beegmaysa iyadoo tobonaan qowmiyada Oromada ah oo banaanbax ka sameeyay Addis Ababa la xir-xiray shalay oo Sabti ahayd.

Ugu yaraan 500 oo qof oo Oromo ah, ayaa shalay oo Sabti ahayd banaanbax ka sameeyay Addis Ababa oo ay uga soo horjeedaan waxay ugu yeereen dhaqaalaha aan loo sinayn iyo tagoorid.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku qaylinayay “Waxaanu rabnaa xoriyad” iyo “in la sii daayo dadkayaga siyaasada u xiran”, booliiska ayaa ka hortagay iyagoo isticmaalaya ulo, tobonaan qof ayaa la xir-xiray.

Raysulwasaaraha Ethiopia Haile Mariam Dessalegn ayaa Jimcadii sheegay in la mamnuucay banaanbaxyada, taasoo uu sheegay in ay khatar kuyihiin “midnimada qaranka” wuxuuna u sheegay ciidamada booliiska ah in ay ka hortagaan banaanbaxyada.

Banaanbaxyada ayaa waxaa soo agaasimay qowmiyada Oromada, oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia, taasoo banaanbaxyo waday mudooyinkii u dambeeyay oo ay kaga cabanayaan cadaalad daro.

Sidoo kale waxaa hadda banaanbaxa kusoo biiray qowmiyada Amxaarada oo banaanbaxyo kawada meelo kamid ah dalka.

Oromada iyo Amxaarada ayaa marka la isku daro waxay dhanyihiin 80 boqolkiiba shacab weynaha Ethiopia, qowmiyadahan ayaa ka cabanaya cadaalad daro iyo in laga doorbido qowmiyada Tigreega, taasoo ay sheegeen in ay gacanta ku hayso shaqooyinka dowlada iyo ciidamada amaanka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*