Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso

Gaariga shilka galay ayaa nooca ay Soomaalidu u taqaan (Xaajiyada). [Xigashada Sawirka: Mohamed Said Yusuf/Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo galabta oo Talaado ah ka dhacay wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso, gaar ahaan deegaanka Dangorayo.

Shilka gaari ayaa waxa uu ku dhacay Agaasimihii Haayada Maamul Wanaagaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye, balse agaasimaha ayaa ka badbaaday shilkaas.

Hal haween ah iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday shilka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, shilka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah taayirada gaariga uu furtay kahor inta uusan gaariga is rogin dhowr jeer.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*