Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa Toyota Hilux. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay xaafada Xoosh, waxaana lala eegtay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali, kaaso ku dhaawacmay qaraxa, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Labada qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa ilaalada Cabdinaasir Xasan Cali, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahinta afkooda ku hadla.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*