Ugu yaraan labo qof oo ku dhaawacmay weerar ay maleeshiyo aan haybtooda la aqoon ku qaadeen tuulada Bali Busle

Sawirka: Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo booqanaya Bali Busle.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraab labo qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii maleeshiyo aan haybtooda la aqoon ay weerareen tuulada Bali Busle ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Goobjooge ku sugan Bali Busle ayaa idaacada Radio Daljir u sheegay in maleeshiyada hubaysan oo aan la aqoonsan ay soo gakeen tuulada habeenimadii xalay iyaga oo labo dhinac ka yimid.

“Maleeshiyadu waxay yimaadeen tuulada xalay waxay kasoo galeen labo dhinac kahor inta aysan gaarin bartamaha magaalada ayaa waxaa aragtay gabar gabdhii ayaa qaylisay waxayna ku fureen xabad, gabdhii iyo gabar ay dhashay ayaa goobta ku dhaawacmay,” ayuu yiri goobjooguhu.

“Markii xabada la maqlay, ciidamo joogay duleedka magaalada ayaa ku yaacay goobta, labada dhinac ayaa rasaas is weydaarsaday kadibna nimankii waa ay carareen.” Ayuu ku sii daray.

Dhacdada ayaa kor u qaaday xiisada ka jirta deegaanka. Arbacii ayay ahayd markii maleeshiyaad looga shaki qabo Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, hal maleeshiyo ah ayaa ku dhintay dhowr ciidamada waa ay ku dhaawacmeen weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*