Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacaay Laascaanood

Magaalada Laascaaoond ee xarunta gobolka Sool. (Sawirka: Puntland Mirror)

 

Laascaanood -(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool maanta oo Talaado ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay gudaha magaalada subaxnimadii hore ee saakay, sida ay ku warameen dadka deegaanka.

“Dagaalka wuxuu qarxay subaxnimadii hore ee saakay wuxuuna sababay in la xiro dhamaan meheradihii ganacsiga,” qof dadka deegaanka ah ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal beeleedyo culus oo asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Sool, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

Laascaanood waa magaalo ay ku muransanyihiin dowladaha Somaliland iyo Puntland. Ciidamada Somaliland ayaa magaalada ka qabsaday Puntland bishii Oktoobar sanadkii 2007.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*